Daawo Sawirrada: Beero Ku Yaalo …

Waa dhul beereed ku yaa…

War Deg Deg Ah: Ciidamo Xiray Wa…

Sida ay sheegayaan warark…

Milatariga Ethiopia oo La Wareeg…

Muuqaalo laga soo duubay …

Mareykanka oo Sheegay In uu Duqe…

Qoraal ka soo baxay Talis…

MAYOR OF MOGADISHU SAYS "MOGADIS…

Mayor of Mogadishu, who i…

Somali pirate sentenced to life …

A 31-year-old Somali man …

North Korea faces tighter sancti…

The US is to tighten sanc…

Erdogan says West ignores famine…

The West has ignored the …

Kenya’s press freedom has stagna…

Kenya’s press freedom rat…

Somalia envoy urges protection o…

The Somalia ambassador to…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

Mareykanka oo Sheegay In uu Duqeyn Ka Geystay Duleedka Muqdisho

Qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in ay 2-dii bishan 4 qof oo ay ku tilmaameen “argagixiso” ku dileen meel 74 KM waqooyiga galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wuxuu qoraalka intaa ku daray in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay. inkastoo Al-Shabaab ay sheegtay in dadka lagu laayay weerarka ay ahaayeen dad shacab ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ayadoo la kaashanayo xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ay ciidanka Maraykanku qaadeen weerarkaas oo ahaa mid dhinaca cirka ah.

Mareykanka ayaa duqeyn dhinaca cirka ah oo ay qaadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliya dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab dhinkeeda wararka ka soo baxay ayaa sheegaya in afarta qof ee weerarka lagu diley ay ahaayeen dad rayid ah oo saarnaa gaari nooca raaxada ah.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sections

Shows

Local News

Tools

About Us

Follow Us