Daawo Sawirrada: Beero Ku Yaalo …

Waa dhul beereed ku yaa…

War Deg Deg Ah: Ciidamo Xiray Wa…

Sida ay sheegayaan warark…

Milatariga Ethiopia oo La Wareeg…

Muuqaalo laga soo duubay …

Mareykanka oo Sheegay In uu Duqe…

Qoraal ka soo baxay Talis…

MAYOR OF MOGADISHU SAYS "MOGADIS…

Mayor of Mogadishu, who i…

Somali pirate sentenced to life …

A 31-year-old Somali man …

North Korea faces tighter sancti…

The US is to tighten sanc…

Erdogan says West ignores famine…

The West has ignored the …

Kenya’s press freedom has stagna…

Kenya’s press freedom rat…

Somalia envoy urges protection o…

The Somalia ambassador to…

«
»
TwitterFacebookPinterestGoogle+

War Deg Deg Ah: Ciidamo Xiray Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ciidamo Boolis ah, ayaa goordhaw xiray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Ciidankaan oo ah Booliska sida gaarka ah u tababaran, ayaa la sheegay in Wasiir ku xigeenka ay ugu tageen xarunta Wasaaradda, kadibna ay tuseen warqad waaran maxkamadeed ah oo lagu soo xiraayo.

Wasiir ku xigeenka ayaa la sheegay inuu ka biyo diiday warqadaasi oo ciidamada dhawr mar ay tuseen, kadibna ciidanka ayaa la sheegay si xoog ah inay gaariga ku saareen.

Ciidamada Amisom iyo Ciidan Somali ah oo ilaalo ka haya Xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda oo ku taalo Degmada Wadajir, ayaa diiday in gaariga la saaray Wasiir ku xigeenka uu ka baxo albaabka Wasaaradda.

Buuq iyo Qalalaase ka dhashay xariga Wasiir ku xigeenkaan ayaa ka taagan Xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliya, iyadoo ciidanka Wasiir ku xigeenka gaariga saartay ay dhex joogaan Xarunta Wasaaradda, walina aysan ka bixin.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Bashiir Ameeriko, ayaa lagu wargeliyay arrintaan, waxaana la filayaa in taliyaha goordhaw uu tago Xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliya si arrintaan loo xaliyo.

Ma cadda waxa rasmiga ah ee lagu soo eedeeyay Wasiir ku xigeenka, balse waxaa la sheegayaa in Ciidamada xiray ay wataan Warqad waaran maxkamadeed ah.

Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sections

Shows

Local News

Tools

About Us

Follow Us