Daawo Sawirrada: Xildhibaan Deeqo Xuseen Xasan Oo Maanta Qado Sharaf U Sameeysay Waxgaradka Degmada Diinsoor

Xildhibaan Deeqo Xuseen Xasan Cismaan oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo beryahaanba ku sugneyd Magaalada Baydhaba Janaay ayaa maanta qado sharaf u sameysay Waxgaradka, Siyaasiyiinya, Culamaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Diinsoor.
Ugu horeyn Xildhibaan Deeqo ayaa dhamaan dadkii kasoo qeybgalay qado sharafta uga mahadcelisay imaatankooda.
Xildhibaanada ayaa waxay ka hadashay arrimo fara badan oo ku saabsan deegaanada Beelweynta Dabarre iyo siyaasadda xilligaan la rabo inay Beesha ku tilaabsato si ay ula jaanqaado is-bedeladda ka socda Koonfur Galbeed.
Waxgaradka kasoo qeybgalay qado sharafta ayaa si isku mid ah uga mahadceliyay soo dhaweynta Xildhibaanada u sameeysay.
Si kastaba qado sharaftaan ayaa kusoo dhamaaday jawi farxad leh.